Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in xildhibaanada baarlamanka Hirshabeelle ay kalsoonidii kala laabteen Madaxweyne Cali Cabdulaahi Cosoble.
Canab Axmed Ciise Ku xigeenka afhayeenka maamulka Hirshabelle ayaa warbaahinta u sheegtay in 76 xildhibaan ay ka qaybgaleen shirka.
In ka badan 68 ayaa u codaysay kalsooni kala laabashada madaxwaynaha.
Arintan ayaa waxaa timid ayadoo Cali Cabdullahi Cosoble iyo gudoomiyaha baarlamaanka ay ka maqan yihiin magaalada Jowhar oo arintan ka dhacday.
Xildhibaanada ayaa madaxwaynaha Hirshabelle Ku eedeeyay inuusan waxba qaban tan iyo intii xilka loo doortay.
Maamulka ayaa la sheegay in xitaa xafiis uusan Ku lahayn magaalada Jowhar.
Shalay ayay ahayd markii xubno badan oo wasiiro oo maamulka Hirshabelle ka tirsan ay is casileen.
Maamulka Hirshabelle ayaa ahaa kii ugu dambeeyay ee ay dhisto dowladdii uu hogaaminayay Xasan Sheekh Maxmuud.
Ma jirto suxufiyiin goobjoog ka ahaa kalsoonida kalalaabashtada Cali Cabdulaahi Cosoble.
Arintan ayaa dadka siyaasadda ka faalooda waxa ay leeyihiin waa mid shaki uu ku jiro sharcinimada xil ka qaadista madaxwaynaha Hirshabelle Cali Cabdullahi Cosoble.