Madaxwaynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta loo dhaariyay xilka Madaxwaynaha dalkaasi, isagoo markii labaad xafiiska sii joogi doono.
Waxaa uu xafiiska sii joogi doonnaa muddada shanta sano ee soo socota.
Dhaarinta ayaa dhacday ka dib markii xaflad caleema-saar ah lagu qabtay xarunta madaxtooyada dalka Kenya ee magaalada Nairobi.
Xafladda dhaarinta iyo caleema-saarka madaxwayne Uhuru Kenyatta ayaa waxaa ka qayb galay madax ka mid ah hogaamiyaasha qaarada Afrika.
Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hogaamiyo oo xalay fiidkii gaaray magaalada Nairobi ayaa ka mid ah wufuudda ka qayb gashay caleema-saarka Madaxwaynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, kaasi oo ku guulaystay doorashadii Ku ciliska ahayd ee ka dhacday dalkaasi.