
Muqdisho – Agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada Cabdi Nuur Maxamed Axmed ayaa bartiisa Faceboog ku shaaciyay in tobanka bisha September ay kulan lagu dhammeynayo wadahadalada hannaanka doorashada lagu qabayo xaruunta Villa Soomaaliya.
Dhammaan maamul Goboleedyada dalka iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka qayb qaadan doona wadahadalada looga arrinsanayo dhameystirka shirkii Dhuusamareeb 3.
Sida uu sheegay agaasimaha warfaafinta kulanka ayaa waxaa sal u ahaan doona qodobadii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb ee maamulada qaar iyo dowladda federaalka ay heshiis ku gaareen.
Maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaan horay qayb uga ahayn shirkii Dhuusamareeb 3 ee dowladda federaalka iyo maamulada Hirshabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ay heshiiska ku gaareen.
Dhanka kale, magaalada Baydhabo waxaa shir ku yeelanaya madaxda dowlad Goboleedyada Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug iyagoo la sheegay in ay ka wadahadlayaan arrimaha Doorashooyinka.