Madaxii siyaasada ee Jabhada Xuuthiyiinta dalka Yemen ayaa lagu dilay weerar cirka ah oo ay ka fuliyeen Xullafada Sacuudiga, Gobolka Xudeyda.
Telefishinka ku hadla Afka Xuuthiyiinta Yemen ee Al-Masirah ayaa sheegay in Saalax al-Sammad, oo ah Hoggaamiyaha Golaha Sare e Siyaasada ee Maamula Caasimadda Sancaa iyo deegaanada ku dhaw, la dilay Khamiistii.
Kooxda ayaa sheegtay in Mahdi al-Mashat ay u doorteen inuu bedelo Salaax al-Sammad.
Sacuudiga iyo xullafadiisa kama aysan hadlin dilka Salaax al-Sammad.
Xuuthiyiinta Yemen ayaa gacanta ku haya inta badan dalka Yemen oo ay ku jirto Caasimadda Sancaa.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dalka Yemen ay ka jirto xaalad baniaadanimo tan ugu xun dunida.
Bishii Maarso 2015-ka, isbaheysi uu hoggaaminayo Sacuudiga oo ka kooban inta badan dalalka Khaliijka ayaa weeraro bambaanooyin ah oo cirka ah ku qaaday kooxda Xuthiyiinta si ay dib ugu qabsadaan goobaha ay gacanta ku hayeen.
Tan iyo markaas, Sacuudiga ayaa qaaday 16,000 oo duqayn cirka ah, taasi oo dhilisay khasaare xoogleh oo soo gaaray dadka rayidka ah.