Madaxii shirkadda DP World ee magaalada Boosaaso oo toogasho lagu dilay

656
Dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari. Sawirka: Feisal Omar/Reuters

GAROOWE — Rag hubaysan ayaa toogasho ku dilay madaxdii shirkadda horumarinta dekeddaha DP world, Paul Anthony Formosa ee magaalada Boosaso ee xarunta Gobolka Bari ee Puntland.

Yusuf Maxamed, Guddoomiyaha Gobolka Bari, ayaa sheegay in labo nin oo isu soo ekaysiiyay rag kalluumaysata ah ay ku toogteen, Paul Anthony Formosa, suuqa malaayga isagoo u socday dekkedda magaalada Boosaaso.

Mr. Formosa ayaa loo la cararay isbitaalka, balse waxa uu u geeriyooday dhaawicii. Midka ka mid ah raggii weerarka geeystay ayaa ciidamada amnigu isla goobta toogasho ku dileen iyadoo kii kalena isagoo dhaawaca ah la qabtay, sida uu sheegay Guddoomiyaha Gobolka the Bari.

Shirkadd dekeddaha ee P&O Ports ayaa xaqiijisay shaqaale ka shaqaynayay Puntland in uu dhintay saddex qof oo kalena ku dhaawacmeen waxa ay ugu yeertay “shil” ka dhacay dekkedda Boosaaso, balse faahfaahin kale kama aysan bixin.

Al- Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarka.

Shirkadda P&O Ports oo ay leedahay dowladda Isugu taga Imaaraadka Carabta ayaa gacanta ku haysa dekedda maagalada Boossaaso port tan iyo sanadkii 2017, markaasi oo ay ku guulaystay heshiis 30 sanno ah ku balaarinayso kuna maamulayso dekedda.