Madaxda Xisbiyada Mucaaradka oo shir uga furmay Muqdisho

595

Muqdisho – Waxaa magaalada Muqdisho shir uga furmay 12 musharax oo u taagan tartanka xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee doorashada soo socota ee sanadka dambe.

Shirkaan maanta Muqdisho uga furmay madaxda Xisbiyada Mucaaradka ayaa looga hadlayaa sidii loo mideyn lahaa afkaarta iyo Siyaasadda madaxda mucaaradka ee ku aadan doorashada soo socota.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeybgalaya musharaxii isugu jira Madax hore, sida Madaxweynayaashii hore ee dalka Soo maray Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweynihii hore Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Shirkaan oo saddex maalin ah ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo maalinta Isniinta ah lana filayo in laga soo saaro Warmurtiyeeda iyo qodobo taabanaya Doorashooyinka dalka ee 2020-2021 ka.