Madaxda Turkiga iyo Falastiin oo ka arinsaday Xaaladda Barriga Qudus

2043

Madaxwaynaha dalka Turkiga Raccep Tayyip Erdogan ayaa dhiggiisa maamulka falastiin Maxamuud Cabaas Abuu Maasin kala hadlay arinta Ku aadan xasaradaha uu abuuray madaxwaynaha dalka Maraykanka Donald trump taasi oo Ku aadan in safaaradda Maraykanka ee Israel loo soo wareejin doono barriga magaalada barakaysan ee Qudus.

Wakaaladda wararka dalka Turkiga Anadolu News agency ayaa maanta oo axad ah Ku warantay in madaxwayne Raccep Tayyip Erdogan uu qadka telfoonka kula hadlay madaxwaynaha maamulka falastiin Maxamuud Cabaas, ayagoo ka hadlay Arrimaha magaalada Qudus iyo damaca madaxwayne Trump.

Erdogan, ayaa madaxwayne Cabaas u sheegay in dowladda Turkiga ay ka shaqaynayso sidii loo sii wadi lahaa dadaalka ku aadan yaqleelidda dowlad reer falastiin ay leeyihiin ee ka madaxbanaan gumaysiga Israel.

Dowladda Turkiga ayaa ka mid ah dowladaha Caalamka Islaamka ee fara Ku tiriska ah ee taageero hiil iyo hooba leh la garab taagan maamulka iyo Shacabka reer Falastiin.