Madaxda Midowga Yurub oo ka shiraya arrimaha Muhaajiriinta

815

Hoggaamiyeyaasha dalalka midowga  reer Yurub ayaa maanta kullan oo ay uga hdalayaan arrimaha soo galootiga uu uga furmay magaalada Brussels.

Dalka Talyaaniga wuxuu doonaya inuu qaabilo Qaxooti badan oo kasoo gudbaya Mediterranean-ka balse waxaa tallaabadani kasoo horjeeda dalalka qaar ee Midowga Yurub ka tirsan kuwaaso aanan rabin inay qaabilaan soo galootiga.

Wasiirka arrimaha gudaha Jarmalka Horst Seehofer ayaa sheegay in xisbiggiisu uusan dowladda ku carqaladaynin ismari-waaga haatan taagan ee ku aadan arrimaha socdaalka.

Horst Seehofer oo hoggaamiya xisbiga Bavarian ee bahwadaagta la ah xisbiga hoggaamiyaha Jarmalka Angela Merkel ayaa sheegay inuu ku rajo wayn yahay in kulanka xubnaha Midowga Yurub ay maanta yeelanayaan ay qodobo waxtar leh kasoo bixi doonaan.

Wasiirka arrimaha gudaha Jarmalka ayaa marar badan ku goodiyay in uu dib u celinaya qaxootiga soo gaara xadka Jarmalka kaddib markii dadkaasi ay iska diiwan geliyeen dalal kale oo ka tirsan midowga Yurub.