Muqdisho – Madaxda dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug
Magaalada Dhuusamareeb.
Madaxweyneyaasha Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb halkaasi ayaa la filayo inuu ka furmo shir looga arrinsanayo arrimaha Doorashooyinka Qaranka iyo qoddobo kale oo muhiim ah.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ” Qoorqoor” ayaa soo dhaweeyay dhammaan madaxda dowlad Goboleedyada oo caawa ku hoyana Dhuusamareeb iyadoo la filayo in shirku berri subax uu furmo.
Shirkaan ayaa ka dambeeyay kaddib markii dhawaan ay madaxda maamul goboleedyada ay shir ku yeesheen dhanka khadka internet-ka. Waxaa sidoo kale gaaray magaalada Dhuusamareeb xildhibaano ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, siyaasiyiin iyo dadka ka socda ururada bulshada.
Waxaa aad dhagta loogu taagaya qoddobada ama war-murtiyeedka ka soo bixi doono shirkaan kaasi oo jihayn doono dhanka ay u socoto siyaasadda dowladda Federaalka iyo arrimaha Doorashooyinka Qaranka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan ka qeyb ahayn shirkaan lagumana casuumin. Dhawaan waxaa dib u dhac ku yimid shir Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku casuumay dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir kaasi oo dhici lahaa 5-8a bishaan July.
Arrimaha Doorashooyinka Qaranka ayaa wali waxaa ka taagan muran ah in ay dhacayaan iyo in kale iyadoo dhawaan Guddiga madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka in aysan waqtigaan Doorasho cod iyo qof ah qaban karin ayna ku qaban karaan doorasho bisha Agoosto ee sanadka dambe.