Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Wakiilada Beesha Caalamka oo Shir uga socdo Muqdisho

573

Muqdisho – Waxaa hadda shir uga socdaa gudaha garoonka magaalada Muqdisho shanta Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya Dowladda iyo
Wakiilada beesha caalamka.

Wakiiilada iyo Safiirada Shirka ka qeygalaya ayaa kala ah, Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Danjire James Swan, Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Trump, Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Francisco Madeira iyo Safiirada UK iyo Midowga Yurub kate Foster iyo Nicholas Berlanga

Shirkaan ayaa waxaa looga arrinsanayaa arrimaha Doorashooyinka oo ismari waaga ka taagan yahay iyo sidoo kale amniga goobta uu shirku ka dhacayo.

Shirkaan ayaa waxaa sidoo kale lagu gorfeynayaa sidii looga heshiiin lahaa agendaha shirka soo socda ee dhexmaraya Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad Goboleedyada iyo in xubnaha beesha caalamka ay goobjoog ka noqdaan.