Madaxda DFS iyo dowlad Goboleedyada oo kulan hordhac ah ku yeeshay Dhuusamareeb

142

Dhuusamareeb – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey kulan hordhac u ah Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada.

Kulankan ayaa ku saabsanaa sidii loo jaangoyn lahaa qodobbada muhiimka u ah wadatashiga Heer Federaal iyo Heer dowlad Goboleed, hannaanka geeddi socodka siyaasadda doorashooyinka iyo Amniga Qaranka, sida lagu xusay qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, Puntland Siciid Cabdullaahi Dani, Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaan.

SHARE