Madaxa xukuumadda Galmudug oo magacaabay Guddi doorasho

70

Dhuusamareeb – Madaxa xukuumadda maamul goboleedka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa magaacabay guddi ka kooban 11 xubnood .Guddigaan doorashada iyo xallinta khilaafaadka ayaa diyaarin doona doorashada maamul goboleedka Galmudug.

Sababta guddigaan loo magacaabay ayaa lagu sheegay in ay tahay baalmar ay dawladda federaalka baalmartay heshiiskii ay la gashay garabka Ahlu Sunah ee maamulka Galmudug, kaddib markii ay dawladdu federwalku dhistay guddi doorasho oo aysan ka muuqan xubno metala garabkii Ahlusunah ee Galmudug.

Wali ayaysan xal loo helin khilaafka maamulka Galmudug oo lagu wado in ay ka dhacdo doorashada hoggaanka Galmudug.

Madaxa xukuumadda Galmudug ayaa ka biyo diiday guddiga ay magacowday wasaaradda arrimaha gudhaa dawladad federaalka, guddigaas oo ay ku tilmaameen mid aan laga talogalin.

SHARE