Madaxa Xukuumadda Galmudug oo ka qeybgalaya shirkii Madaxweyne Farmaajo ku baaqay

644

Muqdisho (UM) – Madax Xukuumadda Galmudug ayaa Sheikh Maxamed Shaakir ayaa soo dhaweeyay baaqii dhawaan Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya u diray madaxda dowlad goboleedyada dalka oo lagu casuumay shir wadatashi.

War ka soo baxay xaafiiska madaxa Xukuumadda Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir ayaa lagu sheegay in dowlad Goboleedka Galmudug uu soo dhawaynayo gogasha uu fidiyay Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo lagu dhamaynayo khilaafkaad soo kala dhexgalay dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada.

Dowlad Goboleedka Galmudug wuxuu aqoonsan yahay jiritaanka dowladda Soomaaliya iyo madaxdeeda, ayaa lagu yiri warka soo baxay xaafiiska madaxa Xukuumadda Galmudug.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa toddobaadkaan markale casuumaad ku saabsan shir wadatashi oo lagu dhamaynayo khilaafka ka dhex jira u fidiyay madaxda dowlad goboleedyada dalka.

Hoos ka akhriso war Saxaafadeedka ka soo baxay xaafiiska Xukuumadda Galmudug