Madaxa shirkadda tiknooloojiyada Huewei oo dacwaynaysa dowladda Kanada

567
Ms Meng ayaa ka xiray bishii December ee sanadkii hore. Reuters

Madaxa maaliyadda shirkadda tiknooloojiyada Shiinaha ee Huawei Kanada dacwad ku soo ogaysa ku saabsan xarigii lagu geysay garoonka diyaaraha Vancouver sanadkii hore kaddib markii Mareykanku weydiistay.

Meng Wanzhou ayaa la xiray bishii December iyada oo lagu tuhunsan yahay khiyaano iyo jebinta cunaqabateynta Mareykanka ee Iran.

Mareykanka ayaa hadda doonaya in ay ku soo celiyaan shiinaha.

Laakiin Ms Meng ayaa hadda dacwad madani ah oo ka dhan ahdowladda Kanada, hey’adda xuduudaha iyo bilayska ka gudbisay taasi oo ah “jebinta halista ah” ee ku aadanxuquuqdeeda madaniga ah.
Shiinaha ayaa ku tilmaamay xarigeeda iyo qorshaha soo gacangelinteeda “dhacdo siyaasadeed”.

Ms Meng ayaa beenisay dhammaan eedeymaha ka dhanka ah iyada.

Dacwad oogista – Maxkamadda Sare ee Columbia ee Jimcihii – waxay raadineysaa magdhow booliiska Royal Canadian Mounted Police (RCMP), Hay’adda Adeegyada Xuduudaha ee Canada (CBSA) iyo xukuumadda federaalka ee lagu eedeeyay inay jabisay xuquuqdeeda madaniga ah. Ms Meng ayaa sheegtay in saraakiisha xuduudaha ay qabteen, baareen, su’aalano ku dhex waydiiyeen garoonka diyaaradaha ka hor inta aysan xirin booliiska.