Madaxda Khaliijka oo shir 2 maalmood ah uga furmaya dalka Kuwayt

1104

Madaxda dowladaha Khaliijka Carabta ee khilaafka siyaasadeed ay hareeyeen lix billood ka hor ayaa lagu wadaa inay Shir isugu yimaadaan tan iyo intii qulqulatooyinka siyaasadeed ay dowladahaasi ka dhex bilowdeen.

Shirka wada-shaqaynta dowladaha Khaliijka Carabta ee GCC, ayaa waxaa marti-galinaya Amiirka dalka Kuwayt Sheekh Sabax Al Axmad Al Sabax, kaasi oo billooyinkii lasoo dhaafay dhex dhexaadin ka dhex waday dalalka Khaliijka Carabta.

Kulankan ayaa waxaa ka qayb galaya  madaxda dowladaha Khaliijka, ayadoo xitaa lagu marti-qaaday amiirka dalka  ay ayagu go’doomiyeen ee Qadar Sheekh Tamim bin Xamad Al Thani.

Sidaasi waxaa Ku warantay maanta oo Axad ah wakaaladda warka dalkaasi Kuwayt ee la yirahdo KUNA news agency, ayadoo inta Ku dartay in maanta magaalada Kuwayt ay Ku kulmeen amiirka dalka Kuwayt iyo madaxa ururka GCC Cabdul ladhiif bin Rashid al-Zayani.

Waxaa kulanka looga hadlay shirka soo socda ee dowladaha Khaliijka kaasi oo lagu wado in Shanta bishan uu ka furmo magaalada Kuwayt city.

Shirka waxaa uu socon doonaa muddo labo maalmood ah.

Wakaaladdu ma aysan bixin faahfaahin Ku aadan shirka maanta dhexmaray madaxa ururka khaliijka Carabta iyo  amiirka Kuwayt.

Warqadaha marti-qaadka waxaa diray amiirka shirka marti galinaya ee Kuwayt, hase ahaatee lama oga sida ka qayb galka uu noqon doono.

Dowladaha Khaliijka ayaa haatan waxaa ka dhexeeya  khilaaf adag oo waqtigeesu dheeraaday, kaasi oo soo bilowday shantii bishii June ee sanadkan ka dib markii dowlado ay hogaamiso boqortooyada Sacuudi Carabiya ay sheegeen inay xiriira u jareen dowladda yar ee qaniga ah ee ka Qadar.

Sacado ka dib hadalkaasi, waxaa dowladahaasi ay Ku dhawaaqeen inay Qadar kusoo rogeen cuno-qabatayn Dhul, Cir iyo Badba leh.

Wixii intaasi ka dambeeyay waxaa khubarada siyaasadda Barriga dhexe ay ka digayeen burburka ururka Khaliijka Carabta ee GCC.

Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Qadar oo ka qayb galaya shirka Caalamiga ah ee machadka  Mediterranean-ka  ee magaalada Rome ee dalka Telyaaniga ayaa waxaa la waydiiyay halista uu wajahayo GCC, ayaa waxaa uu Ku jawaabay  ” Waxaa wanaagsan in Khaliijka uu la yimaado is-fahan la xiriira mabaadii’da aas-aasiga ah, sida dhaqaalaha, Ammanka iyo kuwo kale”

Sheekh Maxamed bin Cabdulraxman Al Thani, wasiirka Arrimaha Dibadda Qadar, ayaa waxaa uu inta Ku daray in dhammaan dowladaha Khaliijku ay arrimahaasi ay tahay inay la yimaadaan.

GCC, waa urur ay Ku midaysan yihiin dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka, Kuwayt, Baxrayn, Qadar iyo Saldanadda Cumaan, waana urur siyaasadeed oo la aas-aasay  25-kii bishii May sanadkii 1981-dii.