Madaxa Hay’adda lacagta Adduunka (IMF) Christine Lagarde, ayaa fariin Midnimo ah u soo dirtay dowladda federal ka ah ee Soomaaliya iyo Shacabka Soomaaliyeed taasi oo ku aadan weerarkii dhimashada badan dhaliyay ee shalay galinkii dambe ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo dadka ku dhintay lagu waramayo inay kor u dhaaftay 230 qof.
Haweenayda madaxa ka ah IMF ee Christine Lagarde, ayaa fariintan la wadaagtay wasiirka wasaaradda Maaliyadda ee xukuumadda Federal-ka ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.
“Wax walba oo dhaca Hay’adda lacagta Adduunka ee (IMF) waxaa ay sii wadi doontaa taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya” ayay ku tiri fariinta Midnimada ah ee ay usoo dirtay Soomaaliya.
Agaasimaha Bangiga Dhexe ee dalka Kenya ayaa sidoo kalena fariintaasi oo kale la wadaagay wasiirka Maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya.