Madaxa CIA-da Mareykanka oo la filayo in ay warbixin ku saabsan dilkii Khashoggi siiso Congress-ka

39
Gina Haspel madaxa laanta sirdoonka CIA-da ayaa la filayo ay warbixin ku saabsan dilkii Khashoggi ay siiso Guddiga Senate ee Golaha Congress-ka. Sawirka: Reuters

Madaxa laanta sirdoonka CIA-da Mareykanka ayaa warbixin siin doono Guddiga Senate-ka ee Golaha Congress-ka taasi oo ku saabsan dilka weriyihii Sacuudiga u dhashay Jamal Khashoggi, sida ay qortay warbaahinta Mareykanka.

Gina Haspel ayaa lagu soo waramayaa in ay ka hadli doonto hoggaamiyaasha Aqalka Senate-ka Mareykanka Talaadada (maanta).

Waxaa ay ka maqnayd kulankii toddobaadkii hore ay Congress warbixinada ku siinayay Xoghayahayaasha Gaashaandhigga, taasi oo ay ka carroodeen qaar ka mid ah xubnaha Congress-ka.

Jamal Khashoggi ayaa lagu dilay qunsuliyada Sacuudiga ee magaalada Istanbul bishii October. Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in CIA-da ay soo gabagabeysay in dhaxal sugaha Sacuudiga Maxammed bin Salmaan ” uu bixiyay amarka” dilka Khashoggi.

Sacuudiga ayaa dambi ku soo oogay 11 qof laakiin waxa ay beenisay in dhaxal sugaha uu wax lug ah ku leeyahay kiisa dilka Khashoggi.

SHARE