Madax ka socday Hey’adda UNDP iyo xaafiiska QM ee UNSOM oo la kulmay Guddoomiye Mursal

110

Muqdisho – Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xarunta Villa Hargeysa ee kula kulmay mas’uuliyiin ka socday hay’adda UNDP iyo UNSOM.

Guddoomiye Mursal ayaa ugu horeyn la kulmay wakiilka hay’adda UNDP ee Soomaaliya H.E. Jocelyn Mason iyo madaxa arrimaha doorashooyinka ee hay’adda UNDP Mary Cummins.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa la kulmay sii hayaha madaxa xafiiska howlgalka kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) Raisedon Zenenga.

Dhamaan masuuliyiintii uu la kulmay guddoomiye Mursal waxa ay ka wada hadleen shuruucda muhiimka u ah doorashooyinka Qaranka, xoojinta wada shaqeynta dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe.

Waxa ay sidoo kale ka wada hadleen arrimaha deyn cafinta Soomaaliya, taageerada dhaqaale iyo midka nabadgalyo oo ay Soomaaliya u baahan tahay.

Mas’uuliyiinta ka socday hay’adda UNDP iyo UNSOM ayaa guddoomiyaha golaha shacabka la wadaagay barnaamijyada hormarineed oo ay ka wadaan guud ahaan dalka iyo sida ay diyaarka ugu yihiin taageerida iyo hormarinta xafiisyada kala duwan ee golaha shacabka.

SHARE