Madasha xisbiyada Mucaaradka oo baaq Ka soo Saaray Shirka Muqdisho

345
Madasha xisbiyada Mucaaradka oo baaq Ka soo Saaray Shirka Muqdisho. Photo courtesy/ Madasha Xisbiyada

Muqdisho – Madasha Xisbiyada Qaran mucaaradka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu Shirka Muqdisho uu noqdo mid ay goobjoog ka yihiin dhammaan dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka, si looga gudbo khilaafka harreeyay hannaanka doorashada 2020, loona gaaro go’aanno kama dambeys ah oo ay u dhanyihiin dhammaan saamileyda Siyaasadda.

Madasha ayaa soo jeedisay in dib u eegis lagu sameeyo qaar ka mid ah qodobadii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb 3 ee Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda maamul Goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Gobolka Banaadir ay ku kala saxiixdeen heshiis ku addan doorashada soo socota.

Madasha xisbiyada ayaa waxa kale oo ay soo jeediyeen la ballaariyo gogosha looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka dalka, laguna casuumo hoggaanka Ururada Bulshada Rayidka iyo Xisbiyada Siyaasadeed, si looga feejignaado wax kasta oo keeni kara khilaaf ragaadiya natiijada shirka ka socda magaalada Muqdisho.

Madasha Xisbiyada oo madal ay ku midaysan yihiin dhawr xisbi gaar ahaan labada xisbi ay kala hoggaamiyaan Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horrey u soo dhaweeyay heshiiska shirkii Dhuusamareeb lagu saxiixay.

SHARE