Muqdisho (UM) – Waxaa maanta la daahfuray madashada siyaasadda dhaqaalaha Qaranka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa daah furay Madashaan oo ay ka qeybgaleen wasiiradda Maaliyadda iyo Qorsheynta Qaranka, Ganacsato, Xubno ka socda Jaamacadaha dalka iyo mas’uuliyiin ka socday hey’adaha caalamiga ah.
Guddiga Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa goobta ka soo jeediyay daraasado ku saabsan halka horumarka dhaqaalaha dalka hadda iyo qaabkii loo horumarin lahaa, iyadoo loo marayo iskaashi wadajir ah.
Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ayaa madashada ka sheegay in dowladdu ay xoogga saartay sidii dhaqaalaha dalka loo kobcin lahaa, iyadoo Xukuumadda Soomaaliya ay sameysay dadaalo badan.
Madasha maanta la daahfuray ayaa Xoogga ka shaqayn doonta horumarinta Kobaca dhaqaalaha, siyaasadaha loogu hirgalin karo Maalgashiga dalka.