Maclimiin tababar loogu furay Muqdisho

992

Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda  Federaalka  Soomaaliya  Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cismaan ayaa maanta Siminaar Socon doona shan malmood ugu  furay magaalada muqdisho 25 macalimiin oo ka kala yimid Gobollada Dalka iyo gobolkan Banaadir.

Tababarkan ayaa lagu bixinayaa Casharo la Xariira maareynta iyo qorsheynta tayada heerka Waxbarashada oo la siin doono guddoonada iyo kormeerayaasha Waxbarsho.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare Xasan Maxamed Cali ayaa kula dardaarmay  maclimiinta tababarkan qaadanaysa in ay ka faa’iideestan casharada lagu bixnaayo tababarkan.

Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya  ayaa daahfuray siminaarkan,isagoo macalimiinta u rajeyay in ay waxyaabaha ay ka faa’idaystaan in bulshada ay ku celin doonaan.

Dhanka kale

Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya   Cabdiraxmaan Daahir Cismaan  oo ay Wehlinayeen Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarshada Hidaha iyo Tacliinta Sare Xasan  Maxamed Cali,   Xoghayaha  Wasaaradda Waxbarshada Hidaha iyo Tacliinta Sare iyo Xubno ka tirsan howl wadeenada Wasaaradda  ayaa  Kormeer ku tagay Xabsiga Dhexe ee Xamar,iyadoo uu halkaasi ku soo dhaweeyey Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Gaas Xuseen Xasan Cusmaan iyo Taliye ku xigeenkiisa.

Wasiirka oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Asluubta ayaa kormeerey iskuulka ay Wax ku bartaan maxaabiista ku xiran Xabsiga Dhexe ee Xamar, xiligaasi oo maxaabiista la siinayay Cashiro la xariira Taariikhda Dalka.

Wasiirka ayaa  sidoo kale ugu deeqay Dhalinyarada maxaabiista ah ee wax ka barta Iskuulka Xabsiga dhexe Xamar Agab waxbarasho.