Maareeye kuxigeenkii shirkada Golis oo caawa lagu dilay Boosaaso

723

Alle ha u naxariistee Kooxo dabley hubeysan ayaa caawa gudaha Magalada Boosaaso waxa ay ku dileeen Mareeye xigeenkii Shirkadda Isgaarsiinta Golis Cabdulaahi Cali Cumar oo aad caan uga ahaa degaanka.

Marxuumka ayaa xiliga la dilayay waxa uu kasoo baxay masjidka Rowda oo uu salaadii cishe kusoo tukaday.

Dableydii dilka u geysatay marxuumka ayaa la sheegay in dilka ka dib ay goobta ka baxsadeen lamana oga cidda rasmiga ah ee ka dambeysay dilka marxuum Cabdulaahi Cali Cumar maareeye iyo sababta ay u dileen.

Dilalka qorsheysan ee lagu beegsado shaqsiyaadka ku jira ganacsiga iyo madaxda shirdaha ayaa mudooyinkan dambe ku soo badanaya degaano ka mid ah Soomaaliya iyadoo dhowr maalmood ka hor magaalada Muqdisho lagu dilay ganacsade dhalinyaro ah.