Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa maanta Magaalada Muqdisho waxa ay ku kala saxiixdeen Heshiis dhinacyo badan ah.
Guddoomiye Thaabid Cabdi Maxamed ayaa heshiiskan u saxiixay Maamulka Gobolka Banaadir halka Hay’adda UNHCR heshiiskaasi ay u saxiixday haweeneyda lagu magacaabo kalin Fan baron oo ah wakiilka Hay’adda UNHCR ee Soomaaliya.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Thaabid Cabdi Maxamed, oo heshiiska ka dib la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in heshiiskan uu qeyb ka yahay dayactir ay Hay’addu ku sameyn doonto ilaa 6 Iskuul oo ku yaalla qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.
Wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga aduunka UNHCR (United Nations High Commissioner for Refugees) ee Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay in heshiiskan uu yahay mid bilow ah islamarkaana ay jiri doonaan heshiisyo kale oo hormarineed.
Today we reached a milestone in moving along our priorities by signing agreement with @UNHCRSom to provide accessible edu & youth employment pic.twitter.com/qt2AWhnwit
— Thabit Mohamed (@ThabitMhd) October 9, 2017
Heshiiskan ay wada gaareen Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hay’adda UNHCR ayaa waxa uu muhiim u yahay bulshada Soomaaliyeed, maadaama waxyaabaha ay ku heshiiyeen ay tahay sidii kor loogu qaadi lahaa arrimaha Waxbarashada ee dalka iyo shaqo abuurka qaxootiga ka soo laabtay dibadda ee Muqdisho ku sugan.