Maamulka Gobalka Banaadir iyo dowladda Hoose ee Xamar, ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen waxaa ay kaga hadleen war ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya, kaasi lagu baahiyay Website-yada Warbaahinta Soomaalida iyo Baraha bulshada ee Internet-ka.
War-saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska madaxwaynaha Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in aan la bixin Karin dhulalka Danta Guud.
Warka ka soo baxay maamulka Gobalka Banaadir iyo dowladda Hoose ee Xamar ayaa lagu sheegay inaan jirin dhul Dan-guud oo ay bixisay dowladda Hoose ee Xamar.
“Sida laga wada warqabo dalka Soomaaliya waxaa uu soo maray dagaal Sokeeye, waxaana colladahaasi laga dhexlay bur-bur guud oo wada saameeyay Nidaamkii dowliga ahaa ee dalka ka jiray, arrimahii dhaqan-dhaqaale iyo arrimahii adeegga Bulshada.
Haddaba, waxaa go’aanada lagu saleeyaa afkaar wanaagsan oo dib usoo cilin karta kalsoonidii, Waddaniyaddii iyo Midnimadii Ummadda Soomaaliyeed”, ayaa lagu yiri warka kasoo baxay maamulka Gobalka Banaadir iyo dowladda Hoose ee Xamar.
Warkan ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in go’aanada dhulka lagu saleeyo Mabaadi’da guud ee ku xusan qoddobada 43-aad, 44-aad ee Dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, taasi oo looga dan-leeyahay in dhulka uu noqdo arin ka dhexeesa dadwaynaha Soomaaliyeed ee ku nool degmooyinka Gobalka Banaadir.
Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka ka soo baxay maamulka Gobalka Banaadir iyo dowladda Hoose ee Xamar.