Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa xabsiga u taxaabtay maalqabeen Falastiini ah oo haysta dhalasha boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Maalqabeenkan ayaa lagu magacaabaa Sabiix Al-Masri, waxaana la sheegay in la xiray xili booqasho ganacsi uu Ku tagay magaalada Riyadh ee xarunta dalka Sacuudiga.
Xarigiisa waxaa wakaaladda wararka Reuters, u xaqiijiyay eheladiisa, sida uu Ku waramay Television-ka AlJazeera.
Al-Masri, ayaa ah ganacsade maalqabeen ah kaasi oo haatan Ku jira da’da 80-maadka.
Waa aasaasaha Shirkadda Zara Investment Holding, isaga oo sidoo Kale madax ka ah Bangiga xaruntiisu ay tahay dalka Urdan/Jordan oo lagu magacaabo Arab Bank.
Waxaa lagu waramay in hay’adaha Ammanka Sacuudiga ay wax ka waydiinayaan eedaymo ka xiriira musuqmaasuq.
Sabix Taher Darwish al-Masri, Waa billionaire, ka soo jeeda Falastiin, kaasi oo haysta dhalashooyinka dalka Jordan iyo Sacuudiga, waxaana uu kasoo jeeda qoys caan ah oo uu ka mid yahay Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Urdun Taher al-Masri.