3-da May, waa maalinta Xoriyadda Saxaafadda ee Dunida oo dhan, Sanadkan waxaa cinwaanku yahay Hubinta Awoodda Maamulada, Warbaahinta, Cadaaladda iyo Sharciga, Dabaaldegyada sanadkan 2018.
Siiyaha Wasiirka Warfaafinta ahna Kuxigeenka Wasiirka Warfaafinta iyo masuuliyiin kale ayaa maanta ka qaybgalay Munaasabo kala duwan oo lagu qabtay magaalada Muqdisho iyagoo hambalyo u diray dhamaan suxufiyiinta.
“Maanta meesha aan ka joogno Xorriyadda hadalka qiyaastii waddamada gobolka in badan oo ka mid ah baan uga horreynaa, taas oo ku timid dhabar adeeggii ay u soo galeen Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo dil, dhaawac iyo dhibaatooyin kaleba kala soo kulmay hasa ahaatee mirihii maanta la joogo”. ayuu yiri sii haayaha Wasiirka Warfaafinta.
Ku simaha wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay ayaa sheegay in Wasaaraddu ay si hagar la’aan ah uga shaqeyn doonto xaqiijinta xoriyadda iyo badbaadada saxaafadda, sidoo kale Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in Wasaaradda ay ku mashquulsan tahay sidii xiriirkooda loo adkeyn lahaa Warbaahinta, wuxuuna tilmaamay in ay rajeynayaan in dhawaan ay Baarlamaanka ansixiyaan xeerka Saxaafadda.
“Wasaaradda waxa ay ku howlan tahay isku xirka Warbaahinta Soomaaliyeed, innaga oo shirar ku kala qabanay qeybo badan oo dalka ka mid ah, taasi oo wadada u xaareysa fursad siinta xoriiyadda hadalka si akhlaaq ay ku jirto, waxaan markale ku amaanayaa warbaahinta dadaalka wanaagsan ee ay hayaan,” Ayuu yiri Wasiir C/raxmaan Iidaan.
Dhamaan madaxdii kale iyo masuuliyiintii hadashay ayaa hoosta ka xariiqay sida ay lagama maarmaan u tahay in suxufiyiinta Soomaaliyeed ay helaan dhowritaan (Protection) iyo in ay dhamaanta la xisaabtan la’aanta kuwa tacadiyada u geysta bahda warbaahinta Soomaaliyeed.
Dhanka kale, madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa bahda warbaahinta ugu hambalyeeyay maalinta Caalamiga ah ee xuriyadda warbaahinta Adduunka.
Waxaan ammaan u jeedinayaa wariyeyaasha iyo hawl-wadeennada saxaafadda Soomaaliyeed oo xusaya Maalinta Xorriyadda Saxaafadda. Waxaad muujiseen adkaysi iyo dadaal dheeri ah oo aad ku bixiseen shaqadiinna, idinka oo duruufo adag ku shaqeeya.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.
Madaxweynaha ayaa adkeeyey dhowrista xorriyadda hadalka, maadaama ay tahay xaq dastuuri ah oo muuwaadin kasta uu leeyahay.
“Dowladda Federaalka waxaa ka go’an in ay dhawrto xorriyadda hadalka oo ah xuquuq oo uu muwaadiniinta siinayo Dastuurka Kumeel Gaarka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.” ayuu madaxwaynaha intaasi Ku daray.
Madaxwaynaha ayaa farriimo kala duwan uusoo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay ilaalinta xuriyadda Hadalka
Many praise to the Somali media as we mark the World Press Freedom Day. You’ve shown resilience and commitment to your work, even under tough circumstances.
My administration is committed to protecting the freedom of expression, a right enshrined in our Provisional Constitution.
— Mohamed Farmaajo (@M_Farmaajo) May 3, 2018