Waxaa maanta kadib muddo dheer oo uu barlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeele ka dhex jiray cagajiid ku aadan ansixinta Golaha wasiiradda uu soo magacaabay Madaxweyne Maxamed Waare uu ku guuleystay inay meel mariyaan.
Xildhibaanada Baarlamaanka HirShabeelle ayaa saaka cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Gollaha Wasiiradda cusub, kadib kulan ay ku yeesheen xaruntooda magaalada Jowhar.
Kulanka oo ay soo xaadireen 79 Xildhibaan, ayaa waxaa 77 kamid ah ay u codka kalsoonida siiyay Xukuumadda Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare, halka 2 Mudane ay diideen, mana jirin Xildhibaan ka aamusay.
Gollaha Wasiiradda ayaa ansixinta kadib lagu dhaariyay goobta, iyadoo uu goobjoog ka ahaa Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare oo uu uga mahadceliyay Baarlamaanka codka kasloonida ay siiyeen Xukuumaddiisa.
Ansixinta Gollaha Wasiiradda ayaa la filayay inay shalay dhacdo, balse baaqatay kadib markii Xildhibaanada ay ku xireen shuruud ah in marka hore la siiyo mushaaraadkooda ka maqan mudo bilooyin ah.
Madaxweyne Waare ayaa ah madaxweynihii labaad ee loo doorto dowlad gobleedka Hirshabeele, wuxuu hore u balan qaaday inuu wax ka qaban doono arrimaha amniga, dhismaha wadooyinka iyo fullinta mashariic horumarineed.