Liiska Xildhibaannadda cusub ee Baarlamaanka Galmudug oo la shaaciyay

235

Dhuusamareeb – Guddiga Farsamada Maamul Dhisidda Galmudug ayaa si rasmi ah u shaaciyay xubnaha cusub ee Baarlamaanka 2-aad ee Dowlad Goboleedka Galmudug oo ay soo xuleen odayaasha dhaqanka ee Galmudug.

Liiska Xildhibaannadda Baarlamaanka cusub ee Galmudug ayaa la shaaciyay kaddib muddo mashquulsanayeen arrimaha dib-u- heshiisiinta beelaha wada-dega deegaannada Galmudug iyo soo xulista xubnaha kamid noqon doona Baarlamaanka 2-aad ee Galmudug.

Guddiga Farsamada iyo Maamul u dhisida Galmudug ayaa sidoo kale sheegay in ay 6 xubnood ka dhiman tahay kuraasta Baarlamaanka Galmudug oo aan wali lagu heshiin balse dhawaan la soo buuxin doono.

Baarlamaanka Galmudug ayaa marka la dhaariyo waxa la filayaa in ay Guddoonka iska dhex doortaan iyo ku xigeenadisa.

Doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa sidoo kale la filayaa in ay dhacdo dhammaadka bishan Janaayo sida ay hore u shaaciyeen Guddiga Farsamada iyo Maamul u dhisida Galmudug.

SHARE