Liiska 20 ka dal ee ugu halista badan & Soomaaliya oo ka maqan

1778

Golaha Dhaqaalaha Adduunka ayaa soo saarey liiska 20ka Dal ee Dunida ugu Khatarta badan,iyadoo aan lagu soo darin Soomaaliya,sida ay baahisay Wakaaladda SONNA oo soo xiganaysa Jariiradda The Independent UK.

Warbixinta ayaa ah mid dhinacyo badan taabanaysa, oo laga fiiriyay cabir laga sameeyey,dhinacyada dalxiiska iyo safarada ilaa 136 Dal oo kamid ah Aduunka,amniga,falalka argagixisanimo waxaana la soo bandhigay ilaa 20 Dal oo kamid ah wadamada ugu Khataraha badan.

Liiskani lagu ma soo darin Soomaaliya, marka loo fiiriyo daraasaada laga sameeyey wadamo badan,taasi oo u muuqatay in ay sabab u tahay dadaalada ay waddo Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka shaqeynaysa in Soomaaliya ay haatan ka duwan tahay aragtidii laga qabay guud ahaan.

Halkani ka ka Akhriso liiska wadamada iyo said ay kala yihiin.

  1. Colombia58b9a2eebc8ebd22008b4630-480-325
  1. Yemen

Kooxo falaago ah oo caasimadda Yeman ku sugan ayaa bartilmaameedsada muwaadiniinta Mareykanka,kooxaha Alqaeda ayaa sidoo kale ku sugan wadankaasi Yeman,weeraro dhanka cirka ah iyo miinooyinka dhulyaala dhibaatooyin ku haya bulshada,nolosha aas aasiga ayaa ku adag dadka in ay helaan.

 

  1. El Salvador

56a0f7a0c08a801b008bb3b5-480-320

Wadankani waa wadan inta badan dilal ay ka dhacaan,waxaa kajira kooxo qowleysato ah sida, Maras Gangs,waxaa laga ganacsadaa badi dhoofinta maandooriyaasha iyo hubka.

  1. Pakistan

592467eb2b0202516a8b462c-480-316

Rabshadah salka ku haya fikradaha diimeed ayaa ragaadiyay dalka Bakistaan muddo sanado ah,waxaana ay ka jiraan inta badan gobolada dalkaasi.

  1. Nigeria

5710059c91058422008bcc24-480-301

Labada kooxood oo kala ah Boko Haram iyo Daacish ayaa mas’uul ka ah rabshadaha kajira dalka Nigeria oo kamid ah wadamada dhaca Galbeedka Africa.

  1. Venezuela

57207b2e9105842b008bf2e5-480-320

Dhibaatooyin badan oo dhanka baahiayah aas aasiga ah ayaa halkaasi kajira,sida biyah Korantada,Caafimaadka,kuwaasi oo xaalado kacsanaan ah ka dhex abuuray bulshada, waxaa bar bar socda dhaca afduubka iyo dilalka qorsheysan.

  1. Egypt

569206265124c923338b4567-480-310

Kooxda Daacish ayaa Khatar ku haysa horumarinta kaabayasha dhaqaalaha dalkaasi,sida beegsiga dalxiisayaasha iyo dhinaca gaadiidka.

  1. Kenya
Nin taagan buurta Korogocho ee Ku taala Nairobi, Kenya.
Nin taagan buurta Korogocho ee Ku taala Nairobi, Kenya.

Halka wadanka Kenya ay ka dhacaan weeraro ay fuliyaan kooxaha xagjiriinta ah,gaar ahaan Nairobi, qaraxyada Bombaanooyinka,dilalka toogashada ah iyo kuwo tooreeyo loo isticmaalo ayaa halkaasi ka dhaca.

  1. Honduras
Deganayal ku fadhiya saqafka sare gurigooda ku yaala magaalada Tegucigalpa, Honduras.
Deganayal ku fadhiya saqafka sare gurigooda ku yaala magaalada Tegucigalpa, Honduras.

 

Wadanak Honduras waxaa uu hooy u yahay dilalka qorsheysan marka loo fiiriyo dunida inteedi kale, ka ganacsiaga maandooriyaha,waxaana yer dhaq dhaqaaqyada military ama boolis ee ka hortaga falalkaasi.

  1. Ukraine
Booliis taagan magaalada Kiev, Ukraine, September 5, 2016.
Booliis taagan magaalada Kiev, Ukraine, September 5, 2016.

Gobolada dhaca Waqooyiga iyo Bariga dalkaasi waxaa caadi ka ah dagaalada u dhexeeya ciidamada Dowladda iyo kooxaha kale ee uu Ruushka taageero,gaar ahaan Gobolada Donetsk oblast, Luhansk oblast,iyo Crimea.

  1. Philippines
Wiil yar oo ka boodaya xarunta Barangka ee magaalada Manila, dalka Philippines. Czar Dancel / Reuters
Wiil yar oo ka boodaya xarunta Barangka ee magaalada Manila, dalka Philippines. Czar Dancel / Reuters

Waxaa dalka filipiin u dheer khataraha kale, weeraradii dhawaan dhacay oo dad badan lagu dilay,dab ka kacay caasimadda Manila iyo afduubyo, waxaa inta badan la beegsadaa dadka Ajaanibta ah.

  1. Lebanon

55deb6a25afbd30f398b4567-480-320

Kooxo kala duwan oo hubaysan ayaa kajira dalka Lebanon,duqeymo iyo weerar ayaa si joogto ah u dhaca,waxaa caadi ka ah banana baxyada rabshadaha wata oo ka dhasha muruno u dhexeeya dad ood wadaag ah,taasi oo qalalaase isku bedesha.

  1. Mali
Askari soconaya agagaarka dhismaha Baarlamaanka Bamako, Mali. Joe Penney / Reuters
Askari soconaya agagaarka dhismaha Baarlamaanka Bamako, Mali. Joe Penney / Reuters

Warbixinta World economic Forum, waxaa sidoo kale lagu sheegay in weerarada argagixisanimo ay khataro ku hayaan amniga dalkaasi,gaar ahaan magalaaad Caasimadda ah ee Bamako,hoteelo iyo goobo kale oo kuyaala Waqooyiga iyo bartamaha dalkaasi waxaa ka dhacay dhowr jeer weeraro.

  1. Bangladesh

591c6e028ef29ee0608b46ac-480-360

Weeraro argagixiso,saameynta duufaano, daadad iyo Dhulgariir ayaa dalka ka dhigay mid ay ka jiraan musiibooyin  dabiici ah.

  1. Chad

56eac962dd089502578b489c-480-320

Wadanka Chad waxaa ka dagaalama dhamaan kooxaha argagixisada Isis, al-Qaeda iyo  Boko Haram ,dad badan oo shacab ah oo ay kujiraan ajaanib ayaa lagu dilay dalkaasi, weeraradii ugu dambeeyey ee ka dhacay,marka xuduudaha laga gudbayo waa Khatar sida xadka Suudaan iyo Liibiya uu la wadaago dalka Chad.

  1. Guatemal

591c6a80f1722b723d8b46bd-480-360

Guatemal,Xuduudda uu Dalkan la wadaago Mexico waa goob kamid ah goobaha ugu halista badan adduunka,waxaa kajira doofinta dadka iyo maandooriyaha oo khataro badan   leh, wadamada Latin Ameerika ugu dilalka badan ayuuna kujiraa.

  1. South Africa

591c69698ef29e3c308b46f4-480-360

Koonfur Africa ayaa lagu tiriyaa wadamada ay ka jiraan dembiyada ugu culus,taasi waxay sababtay in dad badan ay amnigooda ku wareejiyaan shirkado gaar ah oo amaanka qaabilsan, si looga hortago,dilalka iyo fufsiga oo si isdaba joog ah u dhaca,sid warbixinta ku xusan.

  1. Jamaica

5924690e4574a0a97d8b4646-480-320

Dalka Jameeka  oo kamid ah Koonfurta Ameerika, waxaa ka dhaca qeybo kamid ah qalalaaso xoogan , dilal qorsheysan,sida magaalooyinka Kingston iyo Montego Bay.

  1. Thailand

5655bd30dd08954e2c8b46c5-480-320

Wadanka Thailand oo dhaca Qaaradda Assia, waxaa warbixintu ay xustay in Gobolada ku yaala dhanka Waqooyi ee Dalkaasi ay kajiraan,dhibaatooyin xoogan,6,500 oo qof ayaa ku dhimatay dalkaasi,13 kii sano ee la soo dhaafay,qeybo kamid ah dalkaasi waxaa lagu soo rogay xaalado deg deg ah.

  1. 20. Jamhuuriyadda Demuqraadiga ee Congo

56d2f2d6dd08951c148b4762-480-325

Ciidamada militariga Dalka Congada Dimuqraadiga ayaa waxaa ay guud ahaan dalkaasi ka wadaan howlgalo ka dhan ah kooxaha hubaysan ee mucaaradka ah iyo kooxo kale oo bur cad ah oo dadka dhibaateeya