Weeraro toos ah iyo isqarxin ayaa lagu soo waramayaa in ka dhaceen magaalada Tripoli, ee caasimadda dalka Libya.
Qaraxyada iyo weerarka tooska ah ayaa waxaa lagu qaaday xarunta Guddiga Doorashooyinka dalka Libya ay Ku leeyihiin magaalada Tripoli.
Weerarka ayaa waxaa la sheegay in ay Ku geeriyoodeen dad kor u dhaafaya 11 qof.
Khaled Omar, oo ah afhayeenka guddiga Doorashooyinka dalkaasi Libya ayaa warbaahinta u sheegay in dadka weerarka lagu dilay ay ka mid yihiin 3 ka mid ah shaqaalaha guddiga Doorashooyinka iyo 4 ka mid ahaa ciidamada Ammaanka.
Wasaaradda Caafimaadka dalka Libya ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in 11 qof ay qaraxyadan ay Ku dhinteen halka sidoo kalena labo qof ay Ku dhaawacmeen.
Kooxda la baxday dowladda Khilaafada Islaamka ee Daacish ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka.