La taliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha Soomaaliya Cabdi Saciid Muuse Cali ayaa si lama filaan bartiisa Twitter-ka ugu soo qorey digniin culus oo ay ka muuqatay carro oo uu u jeediayey xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo fadhigiisu yahay Magaalada Muqdisho kadib markii Xafiiska UNSOM uu soo saaray warsaxafadeed ay uga hadlayaan arrimaha Doorashadda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
La taliyaha Ammaanka Qaranka qoraal kooban oo uu uga jawaabay warka xafiiska QM ee Soomaaliya uu ka soo saaray doorashada dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed iyo is casilaadda Shariif Xasan Aadan kaddib markii uu sheegay inuu waayey kalsoonidii xildhinaabadda Dowlad Goboleedka uu hogaaminayey iyo culeys siyaasadeed uu sheegay inuu ka soo fuulay dhanka dowladda Federaalka Soomaaliya.
La tilaya dhanka amniga ee Madaxweyne Farmaajo yaa yiri: “Ha faragashanina arrimaha gudaha Soomaaliya, dhaqankaasi maaha mid aynu soo dhaweynayno”
Do not interfere in the internal affairs of Somalia…this attitude is unwelcome! https://t.co/E1mmaIJlqj
— Abdisaid Muse Ali (@4rukun) November 7, 2018
Warka la taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Farmajo ayaa ka jawaabayey war-saxaafadeed xafiiska QM ee Soomaaliya kasoo saaray doorashada Koofurgalbeed Soomalaiya oo lagu wado inay dhacdo xilliyada inagu soo aadan kadib markii ay dib uga dhacday xilligii loogu tala galay ee bishan November 17 keeda.
Maalmihii ugu danbeeyay waxaa jiray socdaal ergeyga gaarka ah ee xafiiska Qaramada Midoobey Sioomaaliya uu u kala bixinayay xarumaha dowlad gobolleedyada dalka. Waxaana suurtagal ah in dowladda Soomaaliya aanay la dhacsaneyn dhaqdhaqaaqa iyo hab dhaqanka ergeyga gaarka ah ee Qaramadda Midoobay Nicholas Haysom oo dhawaan kala wareegay xilkan ergaygii shaqadan uga horeeyay Michael Keating.