Larry King barnaamij daadihiye waayo arag ah oo nus qarni ku jiray warbaahinta ayaa ku geeriyooday magaalada Los Angles ee Gobolka California ee dalka Mareykanka isaga oo da’diisu tahay 87 sano.
Shirkadda Ora Media oo uu wax ka asaasay Larry King, isla markaana ah tan iska leh Telefishinka Ora ee Larry uu barnaajimka ka qaban jiray, ayaa sheegtay in Larry uu ku geeriyooday isbitaal ku yaal Los Angles.
Lama sheegin sababta dhimashadisa, laakiin Telefishinka CNN ayaa soo warisay Jan. 2 in King uu isbitaal loo dhigay in ka badan hal usbuuc xanuunka COVID-19.
Larry King ayaa in 50 sano ku jiray warbaahinta, isaga oo bilaabay xilli uu ka soo baxay dugsiga sare oo ku beegan sanadihii 50meyadii. Wixii intaa ka dambeeyay waxa uu ku jiray warbaahinta. Tan iyo 1985 waxa uu martigalin jiray barnaamijka ” Larry King Live” . Barnaajimkaas ayaa ka bixi jiray Telefishinka CNN.
Larry King ayaa qaaday qiyaastii 50 kun oo wareysiyo ah. Waxaa uu barnaamijkiisa caanka ah ee Larry King Live ku wareystay madax kala duwan oo dunida caan ka ah, oo isugu jira Madax, Jilayaal, fannaaniin iyo qoraayaal.
Sanadkii <span;>1995 wuxuu xiriirinayay shir nabadeedkii Bariga Dhexe oo ay ka qeybgaleen Hoggaamiyihii Falastiiniyiinta Yasser Arafat, boqorkii Jordan King Hussein iyo Ra’iisul Wasaaraha Israel Yitzhak Rabin.
Dadka caanka ah ee <span;>uu wareystay waxaa ka mid ahaa Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika, Nelson Mandela, Barack Obama Madaxweynihii hore Mareykanka iyo madax kale.
Tilmaamaha gaarka ah ee lagu xasuusto ayaa ah qaab labiskiisii oo ka duwanaa wariyaasha kale . Si gaar ah suunka lagu ceymiyo surwaalka ee ilaa garbaha gaara.