Labo qarax oo laga maqlay caasimadda Uganda ee Kampala

56
Sawirka: National TV Uganda

Kampala – Qarax oo xooggan ayaa laga maqlay magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Warbaahinta gudaha Uganda ayaa tabisay in hal qarax uu ka dhacay meel u dhow saldhigga booliska iyo mid kale oo ka dhacay waddo ku dhow xarunta baarlamaanka. Qaraxaas ayaa u muuqday mid lala beegsaday dhismo ay degan tahay shirkad ceymis ah, waxaana dabka xigay uu qabsaday baabuur bannaanka yaallay.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada ayaa la arkayay iyaga oo faarujinaya xayndaabka xarunta baarlamaanka ee u dhow, sida ay sheegtay warbaahinta qaranka ee UBC.

Muuqaal goob-jooge ah oo la soo dhigay online-ka ayaa muujinayay qiiq cad oo aad u badan oo ka baxayay goobta uu qaraxa ka dhacay oo ku dhow saldhigga booliiska.

Booliiska ayaan si degdeg ah uga hadlin, mana cadda in qaraxyada ay ahaayeen kuwo bambaanooyin ah. Ma jiro wax war ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay.

SHARE