Waqooyiga iyo Koonfurta Kuuriya ayaa isniintii isku raacay in ay bisha September shirk u yeeshaan caasimadda waqooyiga Kuuriya ee Pyongyang kaddib wada hadalo heer sare oo ay ku yeesheen aagga militarigaka caagan ee u dhaxeeya labada dal.
Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in la qabto shirweyne ballaaran oo labada Kuuriya ku yeeshaan caasimadda waqooyga Kuuriya bisha September, ha yeeshe e waxaan wali la shaacin maalin go’an oo shir weynahaasi qabsoomi doono.
Haddii madaxweynaha Koonfurta Kuuriya u safro waqooyiga Kuuriya socdaalkaasi waxa noqon doonaa safarkii ugu horreeyay ee madaxweye Koonfurta kuuriya ku tago waqooyiga Kuuriya muddo toban sano ah.
Shirkaan September ayaa loo arkaa siyaasad waqooyiga Kuuriya ku dooneeyso in hormar laga sameeyo wada hadalka ay kula jirto Maraykanka oo aan horay u socon.
In kasta oo xiriirka labada dal wanaagsanaaday haddana waxan wali la qaadin cunaqabateyntii dhaqaale ee waqooyiga Kuuriya la saaray , taas oo adkeneysa wax iskaashi ah oo dhexmara labada Kuuriyo.