Labada Aqal ee Barlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay Miisaaniyadda Dowladda ee 2020-ka

732

Muqdisho – Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2020-ka oo ay maalmihii ugu dambeeyay ka doodayeen.

Kulanka ayaa waxaa si wadajir ah u shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi.

88 Mudane ayaa codkooda ku ogolaaday ansixinta Miisaaniyadda 2020-ka halka 1-Xildhibaan diiday,sidoo kalena 2-xildhibaan ay ka aamustay.

Kulanka Baarlamaanka labada Aqal ee Miisaaniyadda Qaranka lagu ansixiyay ayaa waxaa goobjoog ahaa wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Agaasimaha Agaasihama Guud ee wasaaradda Maaliyadda Suleemaan Sheekh Cumar iyo Miisaaniyadda Qaranka Iraad Cabdi.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle uga mahadcelinayay labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ee maanta fadhigoodii wadajirka ahaa ku ansixiyay Miisaaniyadda dalka ee 2020.

“Miisaaniyaddaan ay maanta meel mariyeen Golaha Shacabka iyo kan Aqalka Sare waxay tilmaam u tahay dadaalka iyo dakhli kordhinta aan sameynay, sidoo kale sanadaan waxaan mudnaan gaar ah siinay Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed” . Ayuu yiri wasiir Beyle.

Waa markii ugu horreysay ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ay fadhi wadajir ah ku ansixiyaan Miisaaniyadda Qaranka.