Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo la xirayo 10-ka Bishan

821

Gudiga joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ku yeeshay magaalada Mqdisho, iyadoo kulankooda intiisa badan looga hadlay xiritaalka kalfadhiga 3-aad ee  baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka oo ay guddiyada joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare  ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxaa shir gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare  Cabdi Xaashi Cabdulaahi.

Kulanka oo mudo socday ayaa markuu soo gaba gaboobay waxaa warbaahinta la hadlay Cali Maxamed Jaamac oo ah  Xoghayaha Guud  ee Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana uu sheegay in looga hadlay xeritaanka kalfadhiga 3aad baarlaanka oo lagu wado in labada aqal  ee baarlaamanka uu ka kooban yahay  hal mar lada xiro.

Xoghayaha ayaa sheegay in fadhiga Gudiyada Joogtada ah ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya looga hadlay xeritaanka baarlamaanka oo la go,aamiyay in la xiro 10 bishan aynu Ku guda jirno ee Luulyo.

Sidoo kale waxa uu xusay in uu jiro codsi ka yimid gudoonka Golaha Shacabka oo ah in hal mar lawada xiro labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

10-kii Bishii maarso ee aan soo dhaafnau ayay ahayd markii madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu labada aqal ee  Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u furay kalfadhiga 3aad baarlamaanka soomaaliya , iyadoo haatana lagu talo jiro in mar qura loo xero.