Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo cod aqlabiyad leh ku ansixiyay heshiiska Doorashooyinka dalka

100
Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo cod aqlabiyad leh ku ansixiyay heshiiska Doorashooyinka dalka.

Muqdisho – Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka ayaa cod Aqlabiyad leh ku ansixiyay Heshiiska siyaasadeed ee jihaynta Doorashada Xildhibaannadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kaas oo ay dhawaan wada gaareen Madaxda DFS iyo dowlad Goboleedyada.

Waxaa oggolaaday 252-Xildhibaan,2 Xildhibaan ayaa diiday halka hal Xildhibaann uu ka aamusay sida uu natiijada codeynta uu shaaciyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman oo kulanka shir guddoominayay.

Kulanka labada Aqal ayaa waxaa si wadajir u shir Guddoominayay Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Heshiiskaan maanta ay ansixiyeen labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa dhawaan isla gaaray madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir.

Heshiiskii ay wada gareen Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa dhigaya in qorshaha Doorashooyinka dalka uu bilaabanayo 1-da Nofeembar ee sanadkaan 2020.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in heshiiskan loo beddeli doono xeer islamarkaan qoddobada qaar fasiraadooda la sixi doono marka Guddiga Doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed la sameeyo.

SHARE