Muqdisho – Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho ka furmay kulankii wadajirka ahaa ee labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.
Kulanka waxaa si wadajir ah u shir gudoominaayo Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan iyo Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi.
Kulanka waxaa soo xaadiray 171 Xildhibaanoo labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Ajendaha kulankaan wadajirka ayaa ah Ansaxinta Ajendaha iyo Akhrinta 1-Aad Qoodaha Miisaaniyadda 2020.