La taliyaha madaxweynaha Maraykanka ee dhinaca dhaqalaaha Gary Cohn ayaa si casilaya, sidaa waxaa sheegay aqalka cad.
Iscasilaadaan ayaa noqoneysaa middii ugu danbeysay iscasilaado taxane ahaa oo heer sare ah tan iyo markii madaxweyne Trump talada la wareegay.
Sida la sheegay iscasilaadaan ayaa waxaa sabab u aha canshuur uu Trump kusoo rogay alumuuniyamta iyo biraha dibadda laga keeno , taas oo oo ka xanaajisay Gary Cohn oo ah taageere ganacsiga xorta ah.
War ka soo baxay aqalka cad ayuu Gary ku sheegay in uu ku faraxsanayahy in uu u adeego dalkiisa.Gary oo horay ua aha madaxa bangiga Goldman sachs, ayaa ka caawiyay madaxweyne Trump dib u habeeyntii canshuuurta sanadkii la soo dhaafay.
Iscasilaadaan ayaa noqoneysa tii ugu danbeysay taxane is casilaad ay sameeyaan madax sare oo ka tirsan aqalka cad ,kuwaas oo lagu xamanayay in ay aad ugu dhawyihiin madaxweyne Trump.