Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa kormeeray tijaabada “qalab cusub oo tiknoolajiyadeed ” inkastoo aysan caddayn nooca hubka uu ahaa.
Tijaabadani uma muuqan in ay ahayd hub Nukliyeerka ah ama gantaalaha ridada dheer ee suurtagal ay tahay in ay bartilmaameedsadaan Mareykanka. Tijaabooyin badan oo nuucan ah ayaa sanadkii hore cabsi dagaal dhaliyay ka hor inta aysan Kuuriyada Waqooyi u weecan dhanka wadahadalada iyo diblomaasiyada.
Si kastaba ha ahaatee, wax kasta oo ka mid ah tijaabada hubka ayaa saameyn ku yeelan kara jihada dadaalka dibloomaasiyadeed ee joogtada ah ee Washington oo ujeedkeedu yahay in laga baabi’iyo Kuuriyada waqooyiga hubka nukliyeerka.
Kuuriyada Waqooyi ayaan si rasmi ah u tijaabin wax hub ah tan iyo bishii November 2017-kii, laakiin maalmihii dhawaa Pyongyang ayaa la soo sheegay inay carro ka muujisay cunaqabataynta caalamiga ah ee Mareykanka iyo dhoola tusyada millatari ee yaryar ee u dhaxeeya Koonfurta Kuuriya iyo Mareykanka.
Horraantii bishan, wasaaradda arrimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi ayaa ka digtay in ay dib u soo celin karto siyaasaddeeda si ay u xoojiso hubkeeda nukliyeerka ah haddii aan laga qafiifin cunaqabataynta.