Kuuriyada Waqooyi oo siidaysay saddex muwaadin oo Mareykan ah

716
Kim Hak-song, Kim Dong-chul, Tony Kim waa Saddexda muwaadin ee xabsiga laga siidaayay. Sawirka: Reuters

Kuuriyada Waqooyi ayaa xarriga ka siidaysay saddex muwaadin oo Mareykanka ah. Waxa ay ka dambeysay booqasho uu ku tagay Caasimaada Pyongyang Xoghayaha arrimaha dibadda  Mareykanka ka hor shirka la filayo inuu dhexmaro Kuuriyada Waqooyi iyo Mareykanka.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo bartiisa Twitterka soo dhiggay qoraal ayaa xaqiijiyay saddexda muwaadin ee xabsiga laga siidayay, isagoo sheegay in caafimaadkoodu uu wanaagsan.

Madaxweyne Trump ayaa sidoo kale sheegay in waqtiga uu dhacayo shirka u dhaxeeya isaga iyo Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa la qorsheeyay.

Saddexda muwaadin ee la siidayay ayaa ka ambabaxay dalka Kuuriyada Waqooyi iyadoo uu la socdo Xoghayaha arrimaha dibadda Mike Pompeo, kaasi oo maalmahan ku sugnaa  Caasimaada Pyongyang si uga shaqeeyo shirka la qorsheeyay ee u dhaxeeya Kuuriyada Waqooyi iyo Mareykanka.