Kuuriyada Waqooyi oo ridday gantaallo cusub

148
Kuuriyada Waqooyi oo ridday gantaallo cusub. Reuters

Kuuriyada Waqooyi ayaa la sheegay in ay rideen labo gantaal oo kuwa cinjirka ah. Gantaalaha ayaa lagu riday badda Bari kaga beegan dalka Kuuriyada Waqooyi.

Gantaalaha ridada gaaban ayaa laga riday magaalo xeebeedka Wonson iyada oo gantaaluhu ay duulayeen masaafo dhan 230KM, halka jooga uu ku socdayna ay ahayd 30KM taliska guud ee ciidanka Kuuriyada Koonfureed ayaa sidaas sheegay.

Wasaaradda difaaca dalka Japan ayaa sheegtay in gantaalaha ay u muuqdeen kuwa cinjirka ah, isla markaana aysann kusoo dagin ama ku dhicin dalka Japan ama xuduudihiisa agga gaarka ah ee dhaqaale ee badad Japan.

Kuuriyada Waqooyi ayaa soo celcelisay gantaalaha la ridayo waxayna taasi ku abuurtay bulshada caalamka oo Japan ay ku jirto sidaas waxaa lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Japan.

Kuuriyada Waqooyi ayaan ilaa iyo hadda wax war ah ka soo saarin gantaalaha ay rideen.

Gantaalaha ayaa noqonaya kuwii sideedaad ee bil gudaheed ay afar wareeg ridaan.

Todobaad ka horb Maraykanka ayaa sheegayb in Kim Jon Ung uu warqadb gaar ah u diray Trump taas oo ku doonayay in uu joogteeyo xiriirka labada dal, sidoo kale uu ku fidinayo caawimaad la xiriirta Carona Virus.

Golaha ammaanka Qaramada Midoonay ayaa Kuuriyada Waqooyi ka mamnuucay in ay tijaabiso gantaalaha cinjirka ah waxaana taas darteed loo saaray dhawr cunoqabateyn. Kuuriyada Waqooyi waxay kaloo waddaa barnaamijkeeda Nukliyeerka kaas oo ka dhigay mid ka takooran dunida kale.

Madaxweyne Trump iyo Kim Jong Ung ayaa labo mar ku kala kulmay Singapore iyo Vietnam.

Wadahadalada labada dhinac ayaa istaagay markii ay isku fahmi waayeen dalabka Kim ee ahaa in cunoqabateynta laga qafiifiyo, halka Maraykankuna dalbaday Kuuriyada Waqooyi ay burburiso nukliyeerkeeda.

SHARE