Wasaaradda mideynta ee Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay qarxisay xafiiska isku xirka labada dal oo ku yaallay magalaada xuduudda dhacda ee Kaesong.
Xafiiskaan oo labada dal ay xariga ka jareen sanadkii 2018 ayaa aroortii hore talaadada laga maqlay qarax keenay in qiiq cirka isku shareero.
Xafiiska ayaa waxaa horay u sheegay in uu yahay bartilmaameedka Kuuriyada Waqooyi gabadha la dhalatay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jon un oo lagu magacaabo Kim Yo Jong iyo sarkaal sare , kaddib markii ay Kuuriyada Koonfureed ka caga jiidday inay soo celiso xiriirka ganacsi ee labada dal.
Kuuriyada Waqooyi ayaa ku hanjabtay in ay burburin doonto xaruntaas ay ka wada xiriiraan labada dal maadaama aysan wax micno ah u lahayn sida ay Kuuriyada Waqooyi ay sheegtay.
Xiisadda labada dal ayaa sii xoogeysaneysa waxaana Kuuriyada Koonfureed ay sheegtay in ciidankeeda la geynayo xuduudda oo xiisaddu kacsantahay. Kuuriyada Koonfureed ayaa ka gaabsaneysa inay xiriir ganacsi la yeelato Kuuriyada Waqooyi iyaad oo ay wali saarantahay cunoqabateynta Mareykanka.