Dibloomaasi sare oo ka tirsan Xukuumadda Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in hab dhaqanka qalafsan ee Mareykanka dartiis laga yaabo in Kuuriyadda Waqooyi ka fiirsato wadahadalada ay kula jirto Mareykanka iyo waliba hakinta gantaaladooda. Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Kuuriyada Waqooyi Choe Son Hui ayaa xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo iyo la taliyaha amniga qaranka ee Madaxweyne Trump John Bolton ku eedeeyay in ay sabab u ahaayeen in wax natiijo ah aysan ka soo bixin shirkii Madaxweyne Trump iyo Kim Jong un ku dhexmaray caasimadda dalka Vietnam ee Hanoi.
Wadahadalkaas ayaa u burburay markii Mareykanku ku adkeystay in Kuuriyada Waqooyi ay gabi ahaanba ka tanaasusho hubkooda Nukliyererka oo ay sanado badan bacrimin ku wadeen.
Kuuriya Waqooyi ayaa dhankeeda ku adkeysaneysa si ay wadahadalada horay ugu socdaan in laga qafiifiyo cunaqabateynta, dalabkaas oo Mareykanku uu ka cago jiidayo.
Choe wasiirk ku xigeenka arrimaha dibada ayaa tilmaantay in in xiriirka labada hoggaamiye uu aad u wanaagsanyahay. Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa sida wakaaladda TASS ay ka soo xigatay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Kuuriyada Waqooyi waxa uu dhawaan ka hadli doonaa arrinta Nukliyeerka iyo go’aan laga yaabo in uu ku joojiyo hakadka ku jiray tijaabada gantaalaha.
Dhanka kale la taliyaha amniga qaranka ee Madaxweyne Trump John Bolton oo warbaahinta kula hadlay Aqalka Cad ayaa beeniyay hadalka wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Kuuriya Waqooyi, isaga oo sheegay in uu xiriir la sameeyay dhigiisa Kuuriyada Waqooyi eedana uu ka jawaabi doono marka uu la tashi la sameeyo saraakiil kale oo ka tirsan dowladda Mareykanka.
Madaxweyne Trump iyo Kim Jon Ung ayaa labo mar oo ay kulmeen waxa ay ku guuldareysteen in ay guul ka gaaraan wada xaajoodka ku saabsan Nukliyeerka Kuuriyada Waqooyi.
Mareykanka ayaa ku adkeysanaya in Kuuriyada Waqooyi ay gabi ahaanba burburiso hubkeeda Nukliyeerka, sidoo kalena ay joojiso tijaabada gantaalaha, halka Kuuriyada Waqooyina ay ku adkeysaneyso in marka hore laga qafiifiyo cunoqabateynta caalamiga ah ee saaraan si loo sii wado wadaxaajoodka labada dhinac.