Kuuriyada Waqooyi: Aragtida Washington waa wax laga xumaado

853
Mike Pompeo, Xoghayaha Arrimaha dibadda Mareykanka oo lagu soo dhoweeyay Pyongyang waxaana Salaamaya Kim Yong Chol oo ah gacanta middig ee Kim Jong-un (Xuquuqda Sawirka Barta Twitter-ka ee Mike Pompeo)

Warbaahinta dawladda Kuuriyada Woqooyi ayaa dowladda Mareykanka ku eedaysay  in uu Pyongyang ka doonayo dalab hal dhinac ah oo weliba dirqi ah oo ah in ay tirtirto  Barnaamijkeeda nukliyerka.

Af-hayeen u hadlay xukuumadda Kuuriyada Woqooyi ayaa wakaaladda wararka dawladdu ka soo xigatay in uu Sheegay “aragtida Washington waa wax laga xumaado”.

Hadalkaas oo soo baxay saacado uun ka dib markii Xoghayaha arrimaha dibadda dowladda Maraykanka, Mike Pompeo, ku tilmamay labadii Maalmood ee uu wada hadallada u joogay magaalada Pyongyang ee caasimadda dalka ka go’doonsan Dunida inteeda kale isagoo wadahadalladaasi ku tilmaamay inay ahaayeen kuwo miro dhal ah.

Mike Pompeo, xoghayaha arrimaha dibadda dalka Mareykanka waxaa uu sheegay in arimihii laga wada hadlay oo dhan horumar laga gaaray oo xataa ay ka mid ahayd tirtiridda barnaamijka hubka  nukliyeerku.

Booqashada Pompeo waxay daba socotay shir madaxeedkii Madaxweyne Trump la yeeshay hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi Kim Jong-un.

Ka dib shirkii taariikhiga ahaa ee magaalada Singapore, ay Ku yeesheen madaxwaynaha dalka Mareykanka Donald Trump iyo hogaamiyaha Sare ee Kuuriyada Waqooyi ayaa Trump, waxaa uu sheegay in markan uu aaminsan yahay hogaamiyaha da’da yar ee dalkaasi Kim Jong-un, kaasi dalkiisa gaarsiiyay heer ay Ku riyoon jireen hogaamiyaashii dalka hortiisa soo maamulay ee Kim Il-son iyo Kim Jong-num oo ahaa aabaha iyo Awoowga Kim Jong-un oo ah hogaamiyaha sida muran la’aanta ah gacta birta ah ugu maamulaya Kuuriyada Waqooyi.