Kurdiyiinta Mareykanku taageero oo bilaabay dulaan ka dhan ah Daacish-ka Syria

659

Afhayeen u hadlay kooxda Kurdiyiinta dalka Suuriya ayaa sheegay in ay bilaabeen gulufkii ugu dambeeyay ee bariga Suuriya ay uga saarayaan kooxda Daacish.

Mustafa Bali afhayeenka isbaheysiga Kurdiyiinta iyo Carabta ee Mareykanku taageero ayaa bartiisa twitter-ka war uu soo dhigay waxa uu ku tilmaamay in ay bilaabeen hawlgalka ka dhan ah kooxda Daacish kaddib markii ay 20000 kun oo rayid ah ay ka soo badbaadiyeen deeganada dhaca bariga  gobolka Deyr Azuur ee ku jira gacanta kooxda Daacish.

Ujeedka duulaankaan ayay kooxda Kurdiyiinta ku sheegtay in ay looga gol leeyahay sidii loo soo afjari lahaa haraadiga kooxda Daacish ee wali ku xooggan qaybo  ka mid ah dalka Suuriya.

Diyaaradaha dagaalka isbaheysiga ayaa taageero dhanka cirka ah siinaya ciidanka ka kooban Kurdiyiinta yo Carabta ee dhulka kala dagaalamaya kooxda Daacish.

Hawlgalada ayaa hakad ugu jiray si fursad loo siiyo shacabka ka barakacaya deegaanada bariga Suuriya, waxaana kooxda SDF ay sheegtay in inkasta oo wali ay shacab ku jiraan deeganada Daacish la bilaabayo hawlgalka.

Lix Kun oo dagaalyahan oo u badan ajnabi ayay sheegtay kooxda Kurdiyiinta in ay ku suganyihiin deeganada ugu dambeeyay ay kooxda Daacish ay kaga sugantahay gobolka Deyr Azuur.