Muqdisho (UM) – Kulankii maanta loo balansanaa inuu yeesho Baarlamaanka Soomaaliya ayaa baaqday kaddib markii Madaxweynaha dowlad Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu soo farageliyay.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka, ku xigeenadiisa iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ilaa xalay uu shir uga socday xarunta Villa Soomaaliya si loo baajiyo kulan Baarlamaanka ee iska soo horjeeda kaasi oo ay xalay kala iclaamiyeen Guddoomiye ku xigeenka 1aad Cabdiweli Ibraahim Muudey iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
https://youtu.be/y4QKy1rBZxQ
Xiisada siyaasadeed ee ka taagan Golaha Baarlamaanka ayaa cir isku shareertay kaddib markii xalay Guddoomiye ku xigeenka 1aad Cabdiweli Sheikh Ibrahim Muuday uu sheegay in la qaban doono kulan looga doodayo Mooshinka laga soo gudbiyay Guddoomiye Jawaari, halka Guddoomiye Jawaari uu isna dhankiisa war soo saaray uu ku sheegayo in uu furmayo kalfadhiga caadiga ah ee Baarlamaanka. Waxaan saaka inta badan aan loo shaqa tagin Xaafiisyada dowladda.
Khilaafka iyo xiisada ka taagan Golaha Baarlamaanka ayaa aad u saameeyay hawlaha Xukuumadda iyo dhaqdhaqaaqa guud ee ganacsiga magaalada Muqdisho.
Lama oga halka uu ku dhammaan doono khilaafkaan iyo waxa uu xal ku noqon doono.