Kulankii Baarlamaanka oo baaqday iyo Ciidamo AMISOM ah oo la wareegay xarunta Baarlamaanka

653

Taliska ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa la wareegay Amniga xarunta Golaha Shacabka Soomaaliyeed ee Muqdisho ka dib markii Maanta uu baaqday kulankii Baarlamaanka ciidamo hubeysan ay la wareegeen xarunta.

Taliyaha AMISOM Paul Lokech ayaa sheegay in ay adkeyn doonaan xarunta Amnigeeda inta xal buuxa laga gaarayo Khilaafka Baarlamaanka.

Waxaa uu sidoo kale xusay in Jawaari amnigiisa ay ka mas’uul yihiin, qeybna uu ka yahay waajibaadkooda inta uu xilka haayo.

Taliyaha ciidamada AMISOM iyo Guddoonka Baarlamaanka ayaa hadda kulan uga socdaa xarunta Villa Hargeysa.

Dhanka kale kulankii Baarlamaanka Soomaaliya lagu waday inay ka yeeshaan Mooshinka Jawaari  ayaa baaqday ka dib markii wasaaradda Amniga ay amar Ku bixisay in la xiro xarunta Golaha Shacabka.