Aqalka Kremlin Ruushka iyo Aqalka Cad ayaa sheegay in kulan u dhaxeeya madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo madaxweynaha Mareykanka Donald uu ka dhici doono magaalada Helsinki ee dalka Finland 16-ka bisha July.
Shaacinta wadajirka ah ka soo baxday Aqalka Kremlinka iyo Aqalka Cad ayaa timid maalin kaddib markii lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweyne Trump John Bolton uu wadahadalo kula yeeshay masuuliyiin Ruushka ah magaalada Moscow si uu ugu sii gogol xaaro kulanka.
Madaxweyne Trump ayaa sheegay Arbacadii in ka wadahadli doonaan Madaxweyne Putin arrimo ay ka mid yihiin, Syria iyo Ukrain iyo arrimo kale.
Waa kulankii ugu horreyay oo si ka fool-ka-fool u dhexmara madaxweyne Putin iyo Trump.