Kulanka Baarlamaanka oo looga doodayo Miisaaniyadda dowladda ee 2018

723
Xildhibaannada Barlamaanka Soomaaliya/ Somali MPs Photo/Google

Muqdisho (UM) – Waxaa goordhaw furmay kulanka 29-aad kalfadhiga 4-aad ee Golaha Shacabka.

Kulanka uu shir guddoomiyayo Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Barlamaank Mahad Cabdalla Cawad, ayaa looga doodaya maanta Miisaaniyadda dowladda ee 2018-ka ee ay soo gudbisay wasaaradda Maaliyadda.

Kulan Baarlamaanka ayaa sidoo kale looga doodi doonaa maanta hindise Sharciyeedka wax ka beddelka Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka iyo qeybinta hindise Sharciyeedka wax ka beddelka shaqaallaha rayidka dowladda.

Kulanka maanta ayaa waxa soo xaadiray 178 mudane.

Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa la filayaa inuu warbixin faahfaahsan xubnaha Baarlamaanka ka siiyo arrimaha Maaliyadda iyo eedeymaha la xiriir musuqmaasuq lagu eedeeyay wasaaradda.